Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Kenya oo dilay xubno ka tirsan Al shabaab isla markaana gacanta ku dhigeen xubno kale iyo hub

Howlgalka ka dhanka ah kooxda Al shabaab ayaa ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Kenya ee loo yaqaano “Special Operations Group” waxa ay ku guuleysteen in ay soo faragaliyaan weeraro qorsheysan oo ay meesha ka saaraan xubno ka tirsan Al-Shabaab oo ku sii jeeday deegaanka Faafi ee gobolka Gaarisa sida laga soo xigtay ilo-wareedyo kala duwan.

Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee loo gaabiyo SOG ayaa sameeyay weerar qorsheysan, waxaana taasi ay keentay in laga takhaluso 5 dagaalame, halka 4 kale laga qabtay. Maleeshiyaadka la xiray ayaa hadda su’aalo la weydiinayaa si laga soo xigtay hey’adaha ammaanka dalka Kenya.

Intii uu socday howlgalka ayaa ciidamada gaarka ah waxa ay kusoo qabteen hub iyo walxaha qarxa oo ay wateen xunihii ka tirsanaa Al shabaaab. Hubka ayaa magacyadiisa ayaa lagu sheegay, isla markaana ka koobnaa: labo qori oo PKM ah, hal qori oo RPM ah, iyo lix qori oo AK47 ah. Intaa waxa dheer, agabkii loo isticmaalay samaynta Aaladaha Qarxa ee la rakibay (IEDs) ayaa dib loo helay, taas oo ka hortagay weerar qorsheysan.

Sidoo kale, waxaa howlgalka lagu soo qabtay Taleefannada gacanta iyo SIM Cards, kuwaasoo loo adeegsan jiray xogaha iyo macluumaadka. Baaritaano horudhac ah oo ay sameeyeen hay’adaha ammaanka Kenya ayaa durbaba horseed ka noqday shabakado fududeeya Al-Shabaab, kuwaas oo gacan ka geysta weerarada Al shahaab,

Howlgalka oo ahaa mid sirdoon ayaa dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab oo doonayay in ay xero ku meel gaar ah ka sameystaan ​​deegaanka Faafi ee magaalada Gaarisa.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed