Ciidamada Itoobiya oo xabsiga dhigay 50 qof oo looga shakisan yahay inay qorsheynayeen weeraro argagixiso oo ka dhaca magaalada Addis Ababa.

Ciidamada amaanka ee dalka Itoobiya ayaa gacanta ku dhigay kadib markii ay fashiliyeen weeraro argagixiso oo ka dhici lahaa magaalada caasimada ah ee Addis Ababa. Hay’adda sirdoonka Itoobiya ayaa dhawaan shaacisay inay xidhay 50 qof oo looga shakisan yahay inay qayb ka yihiin “koox sir ah oo qorsheynayey falal argagixiso iyo rabshado ay la beegsanayaan Addis Ababa iyo nawaaxigeeda”. Warbaahinta gudaha ayaa sheegtay.

Sida laga soo xigtay bayaan rasmi ah, kooxdan qarsoodiga ah waxay ka hawlgalayeen saldhigyo ku yaal Addis Ababa, gaar ahaan degaanno  ku yaal Waqooyiga ee gobolka Axmaarada. Goobahan ayaa u noqday goobo lagu tababaro ciidamada gaarka ah ee hubaysan ee la sheegay in ay xiriir la leeyihiin kooxda.

Kooxdan ayaa lagu eedeeyaa inay la shaqeeyaan kooxo gaar ah oo ka tirsan kaniisadda Ortodokska ee Itoobiya (EOTC) si ay u fududeeyaan hawlahooda qarsoon. Kaniisadaha ayaa la sheegay in loo isticmaalay xarumo qorshayn iyo isku dubarid, taas oo kor u qaaday walaaca laga qabo in machadyada diinta looga faa’iidaysto ujeedooyin xunxun, sida lagu sheegay bayaanka.

Soo qabashada raggan ayaa waxaa lagu soo qabtay howlgal qarsoodi ah oo socday muddo shan bilood ah, iyadoo ugu dambeyn lagu soo qabtay eedeysanayaasha. Alaabaha la qabtay ayaa waxaa ka mid ahaa qoryaha  Shiishada, Walxaha Qarxa, Lacago laga keenay wadamo kala duwan, Dukumentiyo Bangi iyo agabyo kala duwan oo dambiyada lagu sameeyo.

Dowladda Itoobiya ayaa xaqiijisay inay ka go’an tahay ilaalinta nabadda iyo ammaanka gudaha dalka, iyadoo ku boorisay shacabka inay ka feejignaadaan oo ay iska kaashadaan ogaanshaha iyo soo gudbinta dhaqdhaqaaqyada laga shakiyo.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed