Ciidamada Israel oo duulaan culus ku qaaday magaalada Jenin ee Falastiin

 

Ugu yaraan 8 Falastiiniyiin ah ayaa ku geeriyooday 50 kalana waa ay ku dhaawacmeen duulaan ciidaamda Israel ku soo qaadeen xerada qaxootiga Jenin ee Daanta Galbeed ee dhulka Falastiin, sida ay sheegeen laamaha caafimaadka.
Ciidamada Yuhuuda ayaa weerarkooda ku bilaabay duqeyn xagga cirka ah oo gaysteen diyaaradaha dagaalka & kuwa yar yar ee aan duuliyaha lahayn.

Xooggaga Falastiin ayaa dagaal toos ah waxay la geleen ciidamada Israel waxaana la sheegaya in qaar ka mid ah gawaarida ciidamada Yuhuuda la gubay oo dagaalyahanka iska caabinta Falastiin ay la soo baxeen farsamo yaab leh oo ay ku beegsanayaan gaadiidka ciidamada Israel.

Inkastoo dagaalkan uu ka socdo Daanta Galbeed haddana xoogagga Falastiiniyiinta ee ku sugan Gaza oo ay ka mid yihiin Xamaas & Islamic Jihaad ayaa sheegay inay difaaci doonaan dhammaan dadka Falastiiniyiinta ayna qaadi doonaan tillaabooyin ay kaga hortagayaan ciidamada Yuhuuda.

Taliska ciidamada Israel ayaa dhankooda sheegtay in ay beegsanayaan goobo ay ku sugan yihiin wax ay ugu yeereen argaggixiso ku sugan Jenin, isla markaana hawlgalkoodu aanu ahayn mid dhaafsan deegaankaasi.

Xukuumada Masar & Jordan ayaa war ay soo saareen waxay si kulul u cambaareeyeen duullaanka Israel iyagoo sheegay in Israel ay sii wado ku xadgudubka sharciga caalamiga ah ee bini’aadantinimada.

Warqabadka HBN Online TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed