Ciidamada isku dhafka ah ee ku sugan jiido hore ee dagaalka ee gobolka Mudug oo dilay tobannaan Al shabaab ah isla markaana gacanta ku dhigay hub kala duwan

Ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka oo dilay tobanaan ka tirsan kooxda Al shabaab isla markaana gacanta ku dhigay hub kala duwan oo ay soo bandigeen, howlgalkaan ayaa ka dhacay Baraag Cali-gaduud oo 40 KM u jira degmada Xarardheere ee gobolka Mudug, halkaas oo ay ku sugan yihiin ciiadamo xooggan.

Ciidamada isku dhafka ah ayaa waxay howl-galkaan ku dileen xubno badan oo shabaab ah, illaa hadda lama xaqiijin khasaaraha dhabta ah ee la gaarsiiyay kooxda, marka laga reebo hubka ay faafisay warbaahinta ciidamada Soomaaliya, kuwaas oo ay sheegeen laga furtay maleeshiyaadkii ka tirsan ururka Al shabaab.

Xubnaha la dilay ayaa la sheegay inay qeyb ka ahaayeen maleeshiyaad lagu aruurinayey degaankaas, ayna kooxda u diyaarineysay howl-gal ka dhanka ah ciidamada ku sugan jiida hore ee dagaalka.

Ciidamada dowladda Soomaaliya, kuwa deegaanka oo gacan ka helaya ayaa laba jibaaray weerarada ka dhanka ah Al sahbaab maalmihii la soo dhaafay, kuwaas oo ka dhacay gobolada Galgaduud, Mudug, Hiiraan, Shabeelada Dhexe, Shabeelada Hoose, Jubada Hoose, iyo deegaano ku yaal koofur Galbeed.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed