Ciidamada isku dhafka ah ee ku sugan furimaha hore dagaalka ee Mudug oo bilaabay howlgallo culus oo ka dhan ah Al Shabaab

Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa maamulka  Galmudug ayaa dib u billaabay dhaq dhaqaaqyo ciidan oo ka dhan ah Al-Shabaab oo ka socda Koonfurta Gobolka Mudug.

Ciidamada Dowladda Federaalka oo gacan ka helaya dadka deegaanka ee loo yaqaano Macawsleyda, ayaa bilaabay dadaalo ay ku doonayaan inay kaga soo kabtaan, isla-markaana ay ku sugaan ammaanka tuulooyinka hoosyimaada gobolkaas, si looga hortaggo weeraro kale oo kaga yimaada maleeshiyada Al-Shabaab.

Ilo wareedyo rasmi ah ayaa  xaqiijiyay in ciidamada ay howlgal ka sameeyeen tuulooyin dhowr ah oo hoostaga degmooyinka koofurta Mudug,. Tallaabooyinkan ka-hortagga ah waxaa loogu talagalay in lagu xoojiyo gobolka si looga hortago khataraha suurtagalka ah loona xoojiyo amniga guud.

Dhanka howlgalladan ayaa waxaa shirar heer sare ah yeeshay madaxda dowladda federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada. Wada-hadallada ayaa diiradda lagu saaray sidii loo gaari lahaa tuulooyinka ay hadda maamulaan Al-Shabaab.

Guddiga Difaaca & Xoreynta Koonfurta Gobolka Mudug ayaa kaalin mug leh ka qaatay, iyagoo fududeeyay in xogaha muhiimka ah ay isweydaarsadaan saraakiisha ciidamada deegaanka ee aqoonta u leh deegaanka iyo madaxda dowladda Federaalka oo ka warbixiyey qorshahooda howlgallada.

Dadaaladan la isku duba riday, ayaa ilo-wareedyo ka tirsan dowladda waxa ay sheegeen in ay hoosta ka xariiqeen sida ay uga go’an tahay labada maamul ee federaalka iyo kuwa deegaanka in Al-shabaab laga sifeeyo deegaannada Galmudug, loona ilaaliyo xasilloonida gobolka.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed