Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa howlgallo qorsheysan oo ka dhan ah Al-Shabaab waxa ay ka fuliyeen qeybo ka mid ah gobolka Baay oo ay ku bartilmaameedsadeen fariisimo iyo goobo ay ku dhuumaaleysanayeen Al-Shabaab sida ay sheegeen saraakiisha amamanka dowladda Soomaaliya.
Howlgallada oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa si gaar ah waxa ay uga fuliyeen deegaanada Beeley iyo Buur-haybe oo hoostaga degmada Buurhakaba ee gobolka Baay.
Kumaandooska Danab ayaa howlgal qorsheysan oo ka dhan ah Al-Shabaab waxa ay ku qaadeen fariisimo iyo fariisimo ay Al-Shabaab ku lahaayeen deegaankaasi.
War saxaafadeed ka soo baxay dowladda federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in howlgallada qorsheysan lagu bartilmaameedsaday dagaalyahannada Al-shabaab, laguna burburiyay iyo fariisimo ay ku lahaayeen deegaankaasi.
Sidoo kale ciidamada dowladda Federaalka ayaa burburiyay saldhig ay Al-shabaab lacago uga qaadi jireen shacabka sida uu hadalka u dhigtay dowladda.
“Geesiyada Danab waxay qaadeen howlgalo qorsheysan oo ka dhan ah Al-Shabaab, waxaana lagu burburiyay saldhigyadii ay ku dhuumaaleysanayeen. Ciidamada ayaa sidoo kale burburiyay xarun gaar ah oo ciidamada AS ay lacagaha uga qaadi jireen shacabka”ayaa lagu yiri qoraalka. qoraalka
Xaalada ayaa hadda ah mid aad u kacsan, mana jiro wax war ah oo ka soo baxay dhanka dagaalyahanada Al-Shabaab oo ku aadan howlgallada adag oo ay sheegteen ciidamada dowladda Federaalka in ay ku bartilmaameedsanayaan fariisimaha ay ku sugan yihiin.
Deegaano ka tirsan gobolada Bay iyo Bakool ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaa ka socday howlgalo adag oo ka dhan ah Al-Shabaab oo ay iska kaashanayaan ciidamada dowladda iyo kuwa daraawiishta maamulka Koonfur Galbeed.
Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markii uu xilka la wareegay kadib waxa uu ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah Al-Shabaab, isagoo ku booriyay shacabka Soomaaliyeed inay gacan ka geystaan sidii looga sifeyn lahaa kooxaha hubeysan iyo xoreynta dalka.
HBN NEWS DESK