Iyada oo ay socdaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ayaa ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed waxa ay dhaq dhaqaaqyo ciidan ka bilaabeen deegaanada ku teedsan degmada Buuloburde ee gobolka Hiiraan. Hawlgalka ayaa ujeedkiisu yahay in la bilaabo olole cusub oo lagu xoraynayo goobaha ay weli gacanta ugu jiraan dagaalyahannada Al shabaab iyo sidii gobolka oo dhan looga soo celin lahaa maamulkooda.
Saraakiisha sare ee hoggaamineysa ciidamada XDS ayaa ku warramay in ay aad uga go’an tahay howlgalkan in ay sii laba jibaaraan, iyagoona wacad ku maray in aysan waxba ka hagran doonin dadaalka ay ugu jiraan sidii gobolka Hiiraan looga sifeyn lahaa Al-Shabaab. Howlgallada ayaa lagu micneyay istaraatiijiyad ballaaran oo lagu wiiqanayo awoodda kooxda Shabaab ee gobolka iyo soo celinta nabadda iyo xasilloonida.
Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo ka soo jeeda Gobolka Hiiraan, ayaa horay u sheegay in garab taagan yihiin Ciidamada XDS iyo Maleeshiyaad deegaanka ee hawlgalkaasi ku hawlan. Waxa ay ku booriyeen ciidamada in ay sii wadaan dadaalkooda inta gobolka uu ka xoreynayo khatarta Al-Shabaab.
Gobolka Hiiraan ayaa weli ah goob muhiim u ah dagaalka lagula jiro Al-Shabaab, iyadoo ciidamada dowladda iyo kuwa beelaha deegaanka ay ku jiraan dagaal aan loo meel dayin oo ay ku doonayaan inay kaga adkaadaan kooxda Al-Shabaab.
Beesha Caalamka ayaa weli si dhow ula socota xaaladda Soomaaliya, iyadoo dalal iyo ururo badan ay dowladda Soomaaliya ka taageeraan la dagaalanka argagixisada. Natiijadii ka soo baxda howlgallada ayaa saameyn ballaaran ku yeelan karta mustaqbalka dalka.
HBN NEWS DESK