Ciidamada dowladda Soomaaliya oo howlgal qorsheysan oo ka dhan ah Al-Shabaab ka sameeyay deegaano ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose

Ciidamada dowladda Federaalka gaar ahaan guutada 7-aad, ayaa saacadihii la soo dhaafay howlgallo qorsheysan oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab ka sameeyay deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose.

Howlgallada oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa ciidamada dowladda Federaalka waxa ay ka sameeyeen deegaano dhowr ah oo ku teedsan Wabiga Shabeelle ee gobolkaasi, si kooxdaasi looga sifeeyo.

Warar kooban oo ay heshay warbaahinta dowladda ayaa sheegaya in howlgallada oo ahaa kuwa qorsheysan ay khasaare xooggan ku gaarsiiyeen xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo ay gabaad ka dhigteen hareeraha webiga.

Ciidamada dowladda ma aysan shaacin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkan, iyadoo ujeedka ugu weyn uu yahay in kooxdan laga sifeeyo meelaha ay kaga dhuumaaleysanayaan hareeraha Wabiga.

Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya oo taageero dhanka cirka ah ka hela saaxiibada caalamiga ah iyo kuwa deegaanka ee abaabulan ee loo yaqaano Macawisley ayaa weeraro qorsheysan ka fuliya inta badan goobaha ay kooxda Al-Shabaab fariisimo ku leeyihiin. Howlgallada noocaan oo kale ah ayaa dagaalyahannada Al shabaab looga saaray saldhigyadii ay ku sugnaayeen, waxaana laga xoreeyay deegaanno dhowr ah oo ay ku jiraan deegaanno ay kooxdu ka talinaysay muddo tobanaan sano ah.

Ciidamada deegaanka  iyo kuwa dowladda ayaa xoojiyay xoojiyay howlgallada wajigii kowaad ee dagaalka ka dhanka ah kooxda islamarkaana xoreeyay deegaanno iyo magaalooyin ku yaal Hirshabeelle iyo galmudug dowladda. Madaxweynaha ayaa balan qaaday in howlgalada aysan joogsan doonin ilaa laga gaarayo guusha ugu dambeysa.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed