Ciidamada dowladda federaalka gaar ahaan ururka 26-aad ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa maanta fashiliyay weerar qaraxyo ah oo dagaalyahannada Al-Shabaab ay ku soo qaadeen isla markaana ay soo abaabuleen.
Ciidamada dowladda Federaalka ayaa fashiliyay Miino ay kooxda ku diyaarinayeen wadada hormarta degmada Buulo-mareer ee gobolkaasi.
War ka soo baxay taliska ciidamada xoogga dalka ayaa lagu sheegay in ujeedka Al-Shabaab uu ahaa in lagu dhibaateeyo dadka wadada isticmaala balse nasiib wanaag la fashiliyay.
“Miinadan waxaa la doonayay in lagu dhibaateeyo beeraleyda deegaanka Buula Mareer, balse qorshaha iyo rabitaanka argagixisada waxaa burburiyay geesiyaasha guutada 26-aad, ee Buula Mareer, kuwaasi oo si guul ah u soo saaray miinada” ayaa lagu yiri qoraalka.
Sidoo kale taliska ayaa intaa ku daray in ay ku guulaysteen soo saarista miinada oo ay qarxiyeen iyadoo aan wax khasaare ah geysan. Sawirada miinada ayaa waxaa soo bandhigay ciidamada howlgalka fuliyay,kuwaasi oo si xirfadeysan u furay miinada ay dhigeen Al-Shabaab.
Taliye Dhamme Faarax Xirsi Cabdulle oo isna la hadlay warbaahinta ayaa bogaadiyay ciidamada howlgalka fuliyay, wuxuuna tilmaamay in ay sii laba jibaari doonaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab si looga xoreeyo dalka.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shaaca ka qaaday in howlgallada militari ee ka dhanka ah Al-Shabaab ay sii socon doonaan inta laga gaarayo guulo la taaban karo, waxaana uu ku bogaadiyay saraakiisha sida ay ula dagaallameen Al-Shabaab iyo ka xoreynta deegaano dhowr ah.
HBN NEWS DESK