Ciidamada dowladda oo howlgal qorsheysan ka sameeyey Shabeellaha Dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya, gaar ahaan guutada 26-aad ee Cali Ibnu Abii Daalib ayaa ayaa la sheegay in howlgal qorshaysan oo looga saarayey dhulka howdka ah kooxda Alshabaab ay ka sameeyeen deegaanno ku teedsan deegaanka Ceel Cali Axmed ee gobolka Shabeellada dhexe.

Deegaannada, Sabansableey, Ceel afwayne, iyo Ceel Cali goodle oo dhamaantood ku teedsan deegaanka Ceel Cali Axmed ee gobolka Shabeellada dhexe ayaa dowladda Soomaaliya sheegtay in CXD ay ka sameeyeen howlgal ay ku tilmaameen ‘sfieyn’ ka dhan ah Alshabaab.

Saraakiisha huggaamiyey Howlka ee kala ah Abaanduulaha guutada 26-aad G/le Ciise Buurshe iyo amaanduulka ururka 263-aad Labo Xidigle Cabdisalaam Abuukar Liiq Liiqato ayaa xaqiijiyey in howlgalku uu guulaystay, sida oo kalane miinooyin laga baaray wadooyinka ay dadka shacabka ah, si looga foojignaado qataha ka imaankara in la beegsado dadka shacabka ah.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed