Ciidamada dowladda iyo kuwa Jubaland in ka badan 30 dagaalyahan oo ka tirsanaa Al shabaab dilay isla markaana cagta mariyay saldhigyo kooxd ku laheed Jubada Hoose

Ciidamada dowladda Soomaaliya  oo gacan ka helaya kuwa Jubbaland ayaa howlgal maalintii saddexaad oo xiriir ah ka sameeynaya  deegaanno ka tirsan gobolka Jubbada Hoose, isla markaana  cagta mariyay saldhigyo kooxda Al shabaab ay ku lahaayeen gobolkaas.

Ciidamada wadajirka ah ayaa 35 xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab ku dilay deegaanada Muusa Xaaji,,Turdho,Baxar Saaf iyo deegaanno kale oo ay Al-Shabaab ku lahaayeen saldhigyo muhiim ah.

War qoraal ah oo ka soo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in xubnaha lagu dilay howlgalkaasi ay isugu jireen Horjoogayaal Soomaali iyo Ajaanib ah iyo Maleeshiyaad kale.

“Ciidanku waxay gudaha u galeen goobaha cadowga ay kaga dhuumaaleysanayaan deegaanadaas, waxayna dileen 35 horjoogayaal iyo maleeshiyaad isugu jira Soomaali iyo Ajaaniib” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay dowladda Federaalka Soomaaliya.

Horjoogayaasha la dilay ayaa qaarkood lagu kala magacaabi jiray Saadiq oo ahaa Madaxii Sirdoonka Al-Shabaab, hogaamiyihii qaraxyada u qaabilsanaa Kooxdaasi oo magaciisa lagu sheegay C/qani iyo Horjooge kale oo aan la shaacin xilkiisa oo magaciisa lagu sheegay Jaabir oo ku dhashay dalka Kenya.

Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa maamulka Jubbaland ayaa maalmihii la soo dhaafay waxa ay howlgallo xooggan ka wadeen deegaano ka tirsan gobolka Jubbada Hoose oo ay ku doonayaan in ay Al-Shabaab kaga saaraan deegaannada ay kooxdaasi kaga sugan tahay.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed