Faah faahino kala duwan ayaa ka soo baxaya ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa deegaanka oo ka soo baxaya magaalooyin kala duwan oo ku yaal gobolka Mudug,sida ay sheegeen ilo kala duwan iyo goobjoogayaal.
Ciidamada is kaashanaya ayaa wararku sheegayaan in galinkii hore ee maanta ay soo faarujiyeen fariisamihii ay ku lahayeen magaalada Bacaadweyn ee gobolka Mudug, oo ah magaalo istaraatiiji ah oo laga saaray kooxda Al shabaab, oo muddo ka arrimineysay.
Goobjoogayaal ku sugan magaalada Bacaadweyne ayaa sheegay in ay arkeen ciidamada ku sugnaa magaalada oo ka sii baxaya, kuwaas oo watay gaadiidka dagaalka, isla markaana ay faarujiyeen saldhigyadii ay difaac kaga jireen.
Wararka ayaa intaas ku daraya in ciidamada isaga baxay magaalada Bacaadweyn ee Koonfurta gobolka Mudug iney isugu tageen deegaanka Laas gacameey oo aan sidaas uga fogeyn Bacaadweyn.
Arrintaan ayaa ku soo beegmeysa iyada oo maalmo ka hor ciidanka dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ay isaga baxeen deegaanada Caad, Camaara iyo Shabeelloow, waxaana ka bixitaankooda kadib deegaanadaas dib la soo wariyay in kooxda Al-shabaab ku soo laabteen oo dabayaaqadii sanadkii lasoo dhaafay laga saaray deegaanadaan.
Majiro wax war ah oo ka soo baxay maamulka Galmudug iyo dowladda Soomaaliya ee ku aaddan deegaannadaan muhiimka ah ee ay ka soo hayaameen ciidamada isku dhafka ah ee dagaalka ba’an kula jiray maleeshiyaadka Al shabaab.
HBN NEWS DESK