Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya oo garab ka helaya kuwa deegaanka ee loo yaqaano Macawisley ayaa howlgalo cusub oo adag ka bilaabay deegaanada Galmudug iyo Hir-Shabeelle kuwaas oo lagu doonayo in lagu xoreeyo deegaano hor leh oo ay maamulaan dagaalyahanada kooxda Al shabaab.
Saraakiil sar sare ayaa kormeer ku tagey Degaanada Dowlad Goboleedka Hirshabelle, si uu u dardargeliyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, waxaana uu kula dar daarmay Ciidamada in ay qaadaan tilaabadii ugu dambeysay oo dalka looga sifeynayo Al-Shabaab.
Taliyaha Guutada 19-aad ee Ciidanka Xoogga dalka ee Gumac ayaa tilmaamay in Taliye Ibraahim Sheekh Muxuyidiin uu ku amray ciidamada in ay xoogga saaraan sidii ay gacanta ugu dhigi lahaayeen deegaanada Galcad, Ruun-nirgood iyo kuwa kale oo ay wali ku sugan yihiin Al shabaab, kuwaasi oo qaarkood ay horay u soo qabteen ciidamada iskaashanaya. .
Dowladda Federaalka ayaa sheegtay in ay dib u habeyn ku sameyneyso, isla markaana diyaarineyso ciidamo isku dhaf ah oo howlgalo ka sameeya si ay dib ugu qabsadaan degaanadii dhawaan ka baxay balse hadda ku jira gacanta kooxda.
Dowladdu waxay tilmaantay inay dejinayso qorshayaal cusub oo ay ku qaadayso hawlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab, isla markaana ay ku beegsanayso goobo hor leh oo ay kooxdaasi gacanta ku haysay dhawr iyo tobankii sano ee la soo dhaafay, isla markaana ay ka fuliyeen weerarro ay ka soo qaadeen sida ay wararku sheegayaan.
HBN NEWS DESK