Ciidamada Booliska oo gacanta ku dhigay nin looga shakisan yahay inuu ka dambeeyay dil shalay ka dhacay magaalada Muqdisho

Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan kuwa fariisinka ku leh degmada Deyniile ee magaalada Muqdisho ayaa gacanta ku dhigay nin lagu tuhmayo inuu ka dambeeyay dil shalay ka dhacay deegaanka Daarusalaam.

Booliska ayaa tilmaamay in tuhmanaha ugu weyn ee dilka geystay uu ka tirsanaa ciidamada ammaanka deegaanka, kaasi oo magaciisa lagu sheegay Mahad Cali Maxamuud oo 26 jir ah.

Marxuumka la dilay ayaa sidoo kale lagu magacaabi jiray Axmed Nuur Tooxow, waxaana da’diisa lagu sheegay 32 sano jir.

Ilaa hadda lama oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysa dilka wiilka dhalinyarada ah iyo in uu jiro khilaaf soo kala dhexgalay ninka dilka geystay iyo marxuumka.

Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed C/fitaax Aadan Xasan oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Eedeysanaha ay ku socdaan baaritaano culus, islamarkaana sharciga la horgeyn doono, si wax looga qabto falka uu geystay.

Dowladda Soomaaliya ayaa digniin u dirtay askarta dilalka u geysta dadka rayidka ah, waxaana ay sheegtay in ciddii lagu helo tallaabo sharciga waafaqsan laga qaadi doono.

Waxa ay tilmaantay in ciidamada ay mas’uuliyad ka saaran tahay ilaalinta nafta iyo maalka shacabka, dowladda Soomaaliya iyo shacabkeedana looga fadhiyo inay la dagaalamaan cadowga guud ee Al-shabaab, isla markaana loo midoobo sidii dalka looga xoreyn lahaa kooxdan.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed