Ciidamada ATMIS iyo kuwa nabad sugidda Soomaaliya oo kordhiyey roondooyinka wadajirka ah ee magaalada Baraawe

Ciidamada Midowga Afrika ee Amisom iyo kuwa Nabad Suggida Soomaaliya, ayaa si wada jir ah u kordhiyay roondooyinka ay ka sameynayaan Degmada Baraawe ee Maamulka Koonfur Galbeed, si ay uga hortagaan weerarada kaga yimaada Ururka Al Shabaab.

Taliyaha Ururka 38-aad ee ATMIS ee Ciidanka Uganda (UPDF) ee fadhigoodu yahay Magaalada Baraawe, Col. Christopher Berochan, ayaa sheegay in Ciidamada wadajirka ah ee ilaalinaya ay jawaabo firfircoon ka bixin doonaan falalka lidiga ku ah nabadda iyo ammaanka Gobolka Shabeellaha Hoose.

 

“Waxaan rabnaa inaan u xaqiijinno dhammaan shacabka degmada in ATMIS ay habeen iyo maalin kala shaqeyneyso ciidanaka Soomaaliya si loo ilaaliyo nabadda iyo amniga degmada,” ayuu yiri Col. Berochan.

Col. Berochan ayaa ku celceliyay in ay muhiim tahay in la iska kaashado sidii degmada Baraawe ay u noqon lahayd mid ammaan ah si dadka deegaanka ay u sii wataan noloshooda caadiga ah.

Sidoo kale waxaa hadalka qaatay guddoomiyaha degmada Baraawe Cumar Sheekh Cabdi Shafaana, wuxuuna ku nuux-nuux saday in ciidamada Midowga Afrika iyo kuwa Soomaaliya ay ka feejignaadaan weerar kasta oo ay soo maleegaan Al shabaab.

Degmada Baraawe ayaa nabad ahayd tan iyo sanadkii 2014-kii markaasoo Al-Shabaab laga saaray magaalo xeebeedka. ATMIS iyo ciidamada Soomaaliya ayaa muddooyinkan dambe kordhiyey roondooyinkooda ka dib markii warbixino sirdoon ay ogaadeen dhaqdhaqaaqyo xooggan oo Al-Shabaab ay ka wadaan gobolka Sh/Hoose.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed