Ciidamada ammaanka maamulka Puntland oo gacanta ku dhigay shabakad Al shabaab u waday agabyo kala duwan

Ciidamada booliska Puntland ayaa magaalada Garoowe ku qaybtay shabakad ka tirsan Al-Shabaab oo qalab u siday kooxda, sida lahu sheegay warbixin kasoo baxday booliska,oo ay faafiyeen.

Shabakaddan  oo ka kooban 5 qof oo midu dumar tahay ayaa waxaa sidoo kale agu qabtay qalab ay u wadeen Al-Shabaabka ku sugan dhulka buuraleyda ee  ee maamulka Puntland, waxana ay xilligaas ku sii jeedeen deegaannadaas.

Shabakadaan ayaa wadatay Qalbkaa Caafimaad oo dhamaystiran, biisooyinka kashawiitada, kabo balaastiig ah,  hal moobil ah ah kuwa loo adeegsado qaraxyada ama lagu fuliyo, qalab casri ahg oo loo isticmaalo Soollarada cadceeda dabka ka dhaliya iyo agabyo kale, kuwaas oo la soo bandhigay.

Eedeeysanayaasha ayaa magacyadooda lagu sheegay sidaan:

1-Faisa Cali Maxamed
2- Axmed Cusmaan
3-Haaddi Cumar Cilmi
4-Cabdi Maxamuud Cali
5-Saalax Cabdulqaadit Mahad

Laanta Dembi-baarista ee Qeybta Booliska Gobolka Nugaal ayaa xaqiijiyey in dadka la qabtay iyo qalabka ay wadeen ay ku socdeen Buuraha Gobolka Bari, kuwaa oo laga keenay Koonfurta dalka Soomaaliya. Booliska Qeybta Gobolka Nugaal ayaa eedaysanayaasha iyo qalabka lagu qabtay la horgayn doonaa Laamaha Garsoorka.

Booliska ayaa fariin adag u diraya dhammaan dadka ku hawlan falalka amniga lidka ku ah in tilaabo sharci ah laga qaadi doono, waxaana shacabka Puntland ugu baaqeynaa inay la shaqeeyaan Laamaha amniga si kooxaha Argagixisada ah tilaabo sharci ah looga qaado, sida ay hadalka u dhigeen.

HBN NEWS DESK

 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed