Caruurta isbitaalada looga dhuunto qaarkoodna lagu tuuro waddooyinka oo la soo faah faahin isla markaana kor u dhaafay ilaa 50 cunug magaalada Muqdisho

Caruur gaareysa 53 cunug ayaa looga dhuuntay  isbitaalada magaalada Muqdisho sannadkii dhammaaday ee 2023, kuwaaa oo inta lagu dhalay isbitaaalo kala duwan looga dhex tagay.

Xeer ilaaliye ku xigeenka Soomaaliya, Yusra Cismaan Shariif oo warbaahinta kula hadashay magaalada Muqdisho ayaa sheegtay inay soo badanayaan dambiyada ka dhanka ah carruurta ee guud ahaan dalka, iyada oo arrintaas ku tilmaamtay wax laga xumaado.

Waxaa ay intaas raacisay in dhibaatooyin kala duwan ay la kulmaan carruuta Soomaaliya, xafiiskoodana uu si dhow ula socdo arrimahaasi, kuna baaqday in si deg deg ah wax looga qabto, dhibaatooyinka caruurta looga dhuunto isbitaalada.

2023-ka ayey xustay in ay qabteen kiisaska 53 carruur ah oo looga dhuuntay qaar kamid ah isbitaallada iyo waddooyinka Muqdisho, haddana ay ku wareejiyeen dad xanaaneeya, iyaguna ay u kormeeraan si joogta ah.

Hadalkan ayaa kusoo aadaya, ayada oo dhowr jeer waddooyinkaa iyo gobaha qashin qubka ah lagu arkay caruur meyd ah oo lagu tuuray, halka sidoo kalana qaarkood iyaga oo nool la helay lana soo badbaadiyay, kuwaas oo baraha bulshada lagu soo bandhigay, waxana walaac xooggan ka muujiyay dadka Shacabka ah.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed