Caruur isku qoys ah oo dil wadareed loo geystay dugsi quraan dowlad deegaanka Soomaalida

Faah fahinno kala duwan ayaa ka soo baxaya dil wadareed loo geystay caruur isku qoys ah oo lagu dilay dowlad deegaanka Soomaalida, caruurta la dilay yaa tiro ahaan gaaraya ilaa 5 ruux, kuwaas oo dhammaantood ka yar da’da 20 sanno, waana walaalo wada dashay.

Dilkaan argagaxa leh ayaa ka dhacay tuulo ka tirsan degmada Gallaadi ee gobolka Doollo maamulka dowlad deegaanka Soomaalida. Goobjoogayaal ayaa sheegay in caruurtaan  xalay lagu dilay iyaga oo jiifo dugsi quraan kadib markii seqdhexe ay ka yimaado goob lagu dhigaayay  xaflad aroos, wararka ayaa intaas raacinayay in ay ka gaari waayeen in tagaan gurigood balse ay ku leexdeen dugsiga quraan si ay u jiiftaan.

Ilo-wareedyo ayaa sheegay in caruurtaan loo dilay aano qabiil oo ka jirtay deegaanka muddooyinkii dambe, malleeshiyo beeleed ayaa ugu galay dusgigii ay jiifeen kadibna halkaas ayey ku toogteen, kadibna waa ay  baxsadeen markii ay falka geysteen.

Muddooyinkii dambe xadka dolwad deegaanka Soomaalida uu la wadaago Soomaaliya waxaa ka jiro dagaallo la xariiro aan qabiilo, waxana dhowr jeer dhacay dagaallo dhex maray maleeshiyaad gobolka wada dago, waxana ka dashaya dhimasho iyo dhaawac, ilaa iyo hadda wax hishiis ah lagama gaarin.

Dhanka kale mamaulka Galmudug iyo maamulka degmada Doollo wax faah faahin ah kama aysan bixin dil-wadareedka loo geystay caruurtaan isku qoyska ah ee la dilay.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed