Cali Jeyte oo Diiday Xilkii Laga Qaaday Asiga oo Digniin Culus Diray.

Guddoodimiyihii xilka laga qaaday ee goboka Hiiraan ayaa ka hor-yimid  xil-ka-qaadistii lagu sameeyay, taas oo xalay ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe.

Guddoomiyihii Gobolka Hiiraan Cali Jeyte oo Shir Jaraa’id magaalada Beledweyne ayaa  ku dhawaaqay diiday gabi ahaanbo in uusan u hoggaansamin warqadii xilka looga qaaday, waxaa uuna laalay xilka qaadistii lagu sameeyay.

Dhanka kale waxa uu sheegay in hadda kadib ay yihiin Hiiraan State kadib kulamo ka dhacay gobolka oo asiga wakiishay sida uu u la wadaagay warbaabinta, waxaa uu meesha ka saaray in Hirshabeelle ka tirsan yihiin.

Cali jeyta ayaa shaaciyay in qof ka tirsan maamulka Hirshabelle uusan  imaan karin magaalaada,  iyo dhammaan  ay xirn yihiin garoonka diyaaradaha iyo dhulka, waxaa uu ka digay in diyaaradii ka dhaga adeygto ammaarkaan in ay dhulka soo dhigi doonaan.

Warkaan ayaa ka soo baxay guddoomyihio xilka laga qaaday ee Hiiraan ayaa noqonaya mid ka sii daraya xaaladda Hirshabeelle, lamana oga sida arrintaan uu u wajahi doonaan Madaxweynaha Hirshabeella Cali Guudlaawe.

HBN NEWS DESK.

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed