Madaxweynaha maamul goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe ayaa magacaabid iyo isku shaandheyn ku sameeyay qaar ka mid ah Golihiisa Wasiirada, sida lagu sheegay wareegto ka soo baxday xafiiska Madaxweynaha, oo la faafiyay.
Wareegtadaan ayaanan faah faahin ka bixin sababta ka dambeysay isku shaandheyntan iyo magacaabista Golaha Wasiirada maaulkaaas. Si kastaba arrintu ha ahaatee, waxay ku soo aadaysaa iyadoo muddooyinkii ugu dambeeyay ay cabasho ka soo yeereysay qaar ka mid ah hogaamiyeyaasha beelaha dega Hirshabeelle oo ku aadan awood qeybsiga golaha deegaanka.
Cabashooyinka la xiriira awood qeybsiga dowlad goboleedka ayaa soo jiitamayay tan iyo markii la dhisay maamulka Hirshabeelle sanadkii 2016-kii.
Magacaabista cusub ayaa kala ah.
Wasiirka Qorsheynta: Maxamuud Cabdi Cali
Wasiirka Waxbarashada: Hagar Camalow
Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha : Cabdifitaax Xasan Faarax
Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta: Maxamuud Sheekh Cali Salaad
Wasiirka Ganacsiga: Sakariye Khaalid Cabdi
HBN NEWS DESK