Cali Guudlaawe iyo Ereyga QM u Qaabilsan Soomaaliya oo Ka Hadlay Dagaalka Al-shabaab.

Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xueeen ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay  Ergayga ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Marwo Catriona Laing iyo ku xigeenkeeda cusub, ahna u qeybsanaha iyo isku-duwaha howlaha bini’aadanimo ee Soomaaliya Md. George Conway, kulanka ayaa diirada lagu saaray arrimo kale duwan, waxana ugu muhiimsanaa dagaalka Al-shabaab oo lagu soo hadal qaaday madasha.

Kulanka oo ka dhacay Madaxtooyada Hirshabeelle looga hadlay isku diyaarinta dagaalka wajiga ee Ururka Al-shabaab sidii looga xorreyn lahaa deegaanno badan oo u baahan oo ay gacangta ku hayaan la gaarsiiyo adeegyada aas-aasiga ah ee bulshada, sidoo kale kulankan ayaa diirada lagu saaray daadejinta adeegyada bulshada, dhismaha goleyaasha deegaanka, Waxbarashada, Caafimaadka, Biyaha, Gargaarka iyo Sare u qaadida adeegyada horumarinta.

Ergayga ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Marwo Catriona Lainga ayaa dhankeeda sheegtay in ay diyaar u yihiin in ay kaalin weyn ka qaataan dagaalka Al-shabaab, Waxbarashada, Caafimaadka iyo Sare u qaadida adeegyada horumarinta.

HBN NEWS DESK

 

 

 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed