Cadaadis ku aadan Soomaaliya oo soo food saaray madaxweyne Biden

Aqalka Congress-ka Mareykanka ayaa lagu wadaa inuu ka yeesho dood gaar ah mooshin ay gadaal ka xiirayaan xildhibaanada xisbiga Jamhuuriga kuwaasi oo madaxweyne Joe Biden ku caddaadinaya in ciidamada Mareykanka laga soo saaro Soomaaliya.

Matt Gaetz oo ah xildhibaan ka tirsan Golaha kana tirsan xisbiga Jamhuuriga ayaa sheegay in ay qaadayaan tallaabooyin dheeraad ah oo lagu qasbayo madaxweyne Biden in uu ciidamada kasoo saaro Soomaaliya, maadaama buu yiri aanay jirin sabab ay ku joogaan Soomaaliya iyo danta ugu jirta Mareykanka.

Matt Gaetz, ayaa xukuumada madaxweyne Joe Biden wuxuu waydiistay inay sharaxaad ka bixiso sababta Soomaaliya ugu habboon tahay in ciidamo Mareykan ah loo diro iyo danta ugu jirta.

Madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump ayaa ciidamada Mareykanka Soomaaliya ka saaray sanadkii 2020-kii, hase yeeshee markii la doortay Joe Biden ayuu isla markiiba wuxuu amray in askar Mareykan ah oo tiradoodu gaarayso 500 loo diro Soomaaliya.

Xubnaha xisbiga Jamhuuriga ayaa haddii ay ku guulaystaan mooshinkooda waxaa Madaxweyne Biden qasab ku noqonaysa in ciidamada Mareykanka Soomaaliya laga saaro muddo sanad gudihiis ah.

Soo jeedinta Matt Gaetz ayaa waxaa ka mid ah ciidamo kooban oo ilaaliya safaarada Mareykanka ee Muqdisho lagu reebo Soomaaliya.

HBN News Desk

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed