Cabsida laga qabo fatahaad uu sameeyo Wabiga Shabeelle ee mara magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa saacadba saacada ka dambeysa sii xoogeysaneysa. Dadka ku dhaqan Xaafadaha magaladaasi ayaa qaaday tillaabooyin lagu xirayo goobaha laga cabsi qabo in uu ku fataho, arrintan ayaa saameyn ku yeelatay guud ahaan dadka deegaanka ee gobolkaas.
Wabiga Shabeelle ee mara magaalada Baledweyne ayaa hadda maraya heerkii ugu sarreeyay ee biyaha. Khatar weyn ayaa ka jirta in saacadaha soo socda qeybo ka mid ah magaalada Baledweyne ay ku fataho. Khatarta ayaa ah mid aad u weyn maadaama aysan bulshadu wali si buuxda uga soo kaban daadadkii khasaaraha badnaa ee ku dhuftay dhamaadkii sanadkii hore ee 2023-ka.
Maamulka iyo dadka deegaanka ayaa ku jira feejignaan dheeri ah, iyagoo iska kaashanaya ka hortagga musiibo kale. Si kastaba ha ahaatee, xaaladda hadda jirta ayaa weli ah mid khatar ah, maadaama ay saameyn weyn ku yeelan karto dadka deegaanka iyo kaabayaasha dhaqaalaha haddii webigu jabiyo.
Boqolaal ruux ayaa u barakacay duleedka magaalada muddooyinkii la soo dhaafay, gaar deegaanka Ceel Jaalle oo ah deegaan dhanka Bari kaga beegaan magaalada,iyada oo cooshado, Teendhooyin iyo buushash ayey dadka ka dhisaneed dadku, kuwaas oo ku jira xaalad nololeed oo adag.
HBN NEWS DESK