Boqolaal ka mid ah saraakiishii hore ee milatariga Israa’iil oo ka digay in dib loogu laabto dagaalka Gaza

Boqolaal ka mid ah saraakiishii hore ee milatariga Israa’iil oo ka digay in dib loogu laabto dagaalka Gaza ayaa qoray warqad ay u direen hoggaanka iyo shacabka Israa’iil, waxayna si adag u digeen “mas’uuliyad-darrada iyo fowdada” ku aadan dib u billaabidda dagaalka Qaza iyada oo aan la haynin ujeeddo istaraatijiyadeed oo cad.

Jeneraal Matan Vilnai, oo horey xil sare uga soo qabtay milatariga Israa’iil, ayaa hoggaaminaya liiska 550 Israa’iiliyiin ah oo taageeray warqadda, taasoo, sida uu qoray wargeyska Maariv, sheegtay in dib u billaabidda dagaalka ay halis gelin doonto nolasha maxaabiista weli ku sugan Gaza.

Wargeyskan oo Israa’iil ka soo baxay ayaa qoray in warqadda lagu sheegay in dagaalkaas uu daalin doono ciidanka, u horseedi doono gumeysi dhiig badan ku daata oo aan dhammaan lahayn, isla markaana laga lumin doono fursado istiraatiijiyadeed oo aan horey loo arag, gaar ahaan heshiis dhanka diblumaasiyada ah oo la filayo in Israa’iil la gaarto Sacuudiga.

Sida uu sheegay jeneraalka, xukuumada Israa’iil waxay ku dhaqmeysaa si ka dhan ah rabitaanka shacabka, iyada oo u hoggaansameysa codsiga koox yar oo xagjir ah oo doonaya in ay la wareegaan Daanta Galbeed ee la haysto, si ay u sii wadayaan colaadda.

HBN Online TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed