Taliska Booliiska Gobolka Banaadir ayaa soo bandhigay Afar ruux oo lagu qabtay hub iyo Jawaanno ay ku jiraan Xashiish oo la sheegay in ay ka ganacsanayeen, ka dib howlgalka ka dhacay Degmada Gubadley ee Magaalada Muqdisho.
Booliiska Soomaaliya ayaa sheegay in la xiray Raggaan afarta ah oo midkood uu watay Qori nooca loo yaqaan AK47, waxaa lagu xiray mid ka mid ah Xabsiyada ay maamusho Dowladda Federaalka sida hadalka loo dhigay ee Magaalada Muqdisho si loo maxkamadeeyo
Hay’adaha ammaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa kordhiyay howlgallada lagu sugayo Amniga Magaalada Muqdisho, sidoo kale waxa ay diiradda saareen kahortagga Walxaha Maanka-dooriya oo qeyb ka ah Falalka nabadgalyada liddiga ku ah sida aan ka soo xiganeyno laamaha amniga.
Maamulka gobolka Banaadir iyo taliska Booliska ayaa Digniin horay ugu diray Dadka ka Ganacsada Walxaha maanka dooriya iyo kuwa isticmaalla, iyada oo dad loo qabtay xukunno lagu riday.
HBN ONLINE TV