Ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa maanta sheegay in laga hortegay weerar qaraxyo ah oo ay doonayeen in Alshabaab ay ka gaystaan gudaha magaalada Muqdisho.
War saxaafadeed ka soo baxay Booliska ayaa lagu sheegay in Qaraxyada ayaa laga soo buuxiyay gaari nooca raaxada ah, balse inta uuna soo gelin gudaha caasimada ay ciidanka ku qabteen agagaarka degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose.
“Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ayaa gacanta ku dhigay gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa oo la rabay in lagu dhibaateeyo Shacabka Soomaaliyeed ee ku nool Caasimadda Muqdisho” ayaa lagu yiri warsaxafaadeedka.
Kooxda Alshabaab ayaa si farsameysan oo yaab leh qarxayadaan ku soo gelin rabtay magaalada Muqdisho, waxayna gaariga kusoo xireen sameecado si aan loo fahmin , balse waxaa ugu dambeyn suurta gashay in booliska uu fashiliyay oo uu furfuray dhamaan agabkii qaraxa sameynayey.
“Walxahan Qarxa ayaa dhagar qabayaashu ku soo farsameeyeen sameecadaha cod baahiyaasha ah , waxaana ay ku talagaleen in si farsameysan Ciidamada ku dhaafiyaan balse waa ay u suurageli waysay maadaama Ciidamadu u diyaarsan yihiin ka hortagga farsamooyinka cusub ay adeegsanayaan Khawaariijtu marwalbo” ayaa lagu yiri qoraalka.
Waxaa lasii raaciyay “Ciidanka Boliiska qeybtooda Xirfadlayaasha ah ayaa hadda ku guuleystay burburinta walxaha qarxa ee laga soo buuxiyay gaarigaa gacanta Boliiska ku jira”.
Ciidamada dowladda Sirdoonka DFS ayaa sheegay dhamaadkii sanadkii hore in la burburiyey kooxdii qaraxyada Alshabaab ugu magacaabnaa magaalada Muqdisho, iyada oo uu hay’addu sheegtay inay tani ka dhigan tahay sida hadalka ay u dhigtay guul wax ku ool ah oo la gaaray.
HBN ONLINE TV