Madaxweynaha Somaliland oo maanta gaaray Israa’iil

Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro ayaa maanta ku tagay Israel booqashadiisii ugu horreysay ee rasmi ah, waxaana ku soo dhaweeyey xafiiskiisa ku yaal magaalada Qudus ee la haysto Madaxweynaha Israa’iil Isaac Herzog.
Cirro ayaa sheegay in maanta ay kaga dhigan tahay “tallaabo taariikhi ah oo furaysa bog cusub” oo ku dhisan saaxiibtinimo, iskaashi iyo is-ixtiraam ka dhexeeya Somaliland iyo Israa’iil.

Muuqaallo uu baahiyay xafiiska madaxweynaha Israa’iil ayaa muujinaya madaxweyne Cirro oo salaan ka qaadanaya ciidamo Israa’iili, saxiixaya buug iyo fadhiyo gaar ah oo uu la joogo madaxweyne Herzog.
“Maanta waxay ka dhigan tahay tallaabo taariikhi ah oo furaysa bog cusub oo ku dhisan saaxiibtinimo, iskaashi iyo is-ixtiraam ka dhexeeya Somaliland iyo Israa’iil” ayaa lagu yiri qoraal lagu daabacay Bogga madaxweyne Cirro.

Sidoo kale, Madaxweynaha Israa’iil Isaac Herzog ayaa dhankiisa fariin kooban oo af Soomaali ah oo uu ku daabacay boggiisa bulshada wuxuu ku yiri “Ku soo dhawoow Israa’iil, Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Cirro”
Madaxweynaha ayaa sheegay in booqashadan taariikhiga ah ay astaan u tahay kartida weyn ee iskaashiga cusub ee u dhexeeya labadeenna dhinac.

Booqashada Cirro uu ku tagay Israa’iil ayaa ka dambeysay ka dib markii bishii December ee sanadkii 2025, Ra’isalwasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu uu ku dhowaaqay in Israa’iil aqoonsatay Somaliland, tillabaadasi oo ay si adag uga hortimid dawlada Soomaaliya kuna tilmaamtay xadgudub cad oo ka dhan ah madaxbannaanida & qarannimada Soomaaliya. Sidoo kale waxaa go’aanka Netanyahu si ba’an u cambaareeyay ururo & dalal kala duwan kuwaasi oo qaarkood si cad uga digay tilaabooyinka Israa’iil ee ka dhanka ah midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

Dhamaadka todobaadkii hore, madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa rrinta Somaliland iyo aqoonsiga ay Israa’iil siisay ku tilmaamay mid aan ahayn aqoonsi dhab ah balse uu yahay sida uu yiri “dabin” ay ku dhacayso Somaliland. Wuxuu sheegay in tallaabadaasi aysan waxba ka beddelayn mowqifka dowladda Soomaaliya ee ku aaddan midnimada iyo wadajirka dhulka Soomaaliya, isla markaana beesha caalamka inteeda badan ay weli Somaliland u aqoonsan tahay qayb ka mid ah Soomaaliya.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed