Dowladda Deegaanka Soomaalida (DDS) ayaa shaacisay inay Puntland kala wareegayso tiro dhallinyaro ah oo la sheegay inay ku jireen safar tahriib ah. Wasiirka Madaxtooyada DDS, Xuseen Qaasim, ayaa sheegay in dhallinyaradan iyo carruurtan laga soo badbaadiyey sisda uu hadalka u dhigay xaalad halis ah, isaga oo uga mahadceliyey maamulka Puntland wada-shaqeynta ay ka muujiyeen arrintan.
Wasiirka Xuseen ayaa xusay in marka la soo wareejiyo dhallinyaradaasi lagu celin doono qoysaskooda, isla markaana dowladda deegaanka ay la shaqeyn doonto waalidiinta si loo taageero mustaqbalkooda. Wuxuu sheegay in kuwa u baahan waxbarasho loo fududeyn doono helitaankeeda, halka kuwa kale loo abuuri doono fursado dib-u-dajin iyo nolol caadi ah.
“Waxaan Dawlad-gobaleedka Puntland uga mahad celinaynaa in ay nagala shaqeeyeen sidii loo soo badbaadin lahaa caruur iyo dhalinyaro la tahriibinayay oo qarka u saarnayd in la haligo; carruurta iyo dhalinyaradaba waxay dawladdu ku wareejin doontaa waalidiintooda. Waxaan waalidiinta ka wada shaqayn doonaa sidii dhalinta loo siin lahaa waxbarasho inta u baahan, inta kalana loogu abuuri lahaa dib u dajin ay kusii wataan nolashooda caadiga ah sida dhalinta kale ee deegaanka ku sugan,” ayuu yiri Wasiir Xuseen.
Dhanka kale, maamulka Puntland weli si rasmi ah ugama hadlin faahfaahinta dhallinyarada la sheegay in lagu qabtay tahriibka.
Wararka soo baxay saacadihii la soo dhaafay ayaa tilmaamaya in inta badan dhallinyaradan ay ka shaqeyn jireen deegaannada Bari iyo Sanaag ka hor inta aan la soo qaban, iyaga oo halkaasi u joogay howlo macdan qodis ah, balse cid si madaxbanaan u xaqiijin karta malaha.
Isha ku haay HBN ONLINE TV

