Madaxweynaha Jubbaland oo si adag kaga jawaabay go’aanka DFS markale ku sheegtay in aanay aqoonsanayn

Maamulka Jubbaland ayaa maanta soo bandhigay ciidamo cusub iyo gaadiid dagaal oo lagu diyaariyey xero ku taalla gobolka Jubbada Hoose, loona qorsheynayo inay ka qayb qaataan howlgallada ka socda deegaannada maamulkaasi.

Ciidamadan oo si gaar ah loo tababaray, isla markaana la qalabeeyay, ayaa waxaa tababarka u soo xiray Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe). Waxay ka tirsan yihiin cutubka gaarka ah ee Duufaan ee Ciidamada Darawiishta Jubbaland, waxaana la sheegay inay heleen tababaro la xiriira amniga, dagaalka iyo la dhaqanka bulshada.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa ciidamada ku boorriyey inay si hufan u gutaan waajibaadkooda, isagoo xusay in guusha howlgalladu aysan ku koobnayn dhinaca amniga oo keliya, balse ay muhiim tahay inay kasbadaan kalsoonida iyo taageerada shacabka deegaannada laga xoreeyo Al-Shabaab. Wuxuu ku eedeyey in arimaha la dagaallanka kooxda ay u bedeshay sida uu hadalka u dhigay mid siyaasadeed, ayna ka gaabisay howlihii wadajirka ahaa ee la wada fulin jiray.

Sidoo kale, Axmed Madoobe oo ka jawaabayey go’aanka madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku sheegay todobaadkii hore markale in uusan aqoonsanayn maamulka Jubbaland ee hadda iyo hoggaamiyahooda ayuu ku carrabaaby mid aan waxba u dhibayn sida uu yiri “doorashada ka dhacaysa maamulka, waa mid reer Jubbaland aqoonsi kaga baahan tahay, dadkeedaana iska leh, wax sharciyad ah oo Dowladda dhexe kaga xiran ma jiro”.

Jubbaland ayaa u muuqata inay xoojinayso awooddeeda ciidan, xilli ay weli taagan tahay xiisadda kala dhexeysa dowladda federaalka Soomaaliya, isla markaana ay dardargelinayso dagaalka ay kula jirto Al-Shabaab oo weli ku sugan qaybo ka mid ah gobollada Jubbooyinka iyo Gedo.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed