Booliiska Soomaaliya oo xabsiga dhigay askar ka tirsan ciidanka dowladda kaddib markii ay rasaas ay ku fureen dad shacab ah isla markaana sababay khasaaro

Ciidamada Booliska ayaa xabsiga dhigay dhowr askari oo ka tirsan ciidamada dowladda, kadib markii ay rasaas nool ku fureen dad dibadbax ka dhigayay Suuqa Siinaay ee magaalada Muqdisho, halkaasi oo uu ku dhintay mid ka mid ah dadkii banaanbaxa dhigayay mid kalena uu ku dhaawacmay.

Dibad baxayaasha ayaa la sheegay in ay ka soo horjeedaan xil ka qaadis lagu sameeyay mas’uul ka tirsan dowladda hoose ee gobolka Banaadir.

Taliyaha Booliska G/Banaadir Macalin Mahdi ayaa yiri “Cid kasta oo rasaas ku fureysa dadka gadoodsan waa la soo xiray, kiiska baaritaan ayaa loo diray, waxaan rajeyneynaa in Garsoorka iyo Maxkamadda ay wax ka qabtaan kiiskan”.

Taliyaha Booliska ayaa ku nuux-nuux saday in aan la aqbali karin in la dhibaateeyo shacabka, isagoo uga digay shacabka Muqdisho in ay sameeyaan banaanbaxyo aan ogolaansho ka heysan dowladda.

“Waxaan digniintii ugu dambeysay u jeedinayaa dadka caadeystay inay caasimadda ka dhigaan bannaanbaxyo rabshado wata, uma dulqaadan karno waxa maanta dhacay,” ayuu yiri Taliye Macallin Mahdi.

Si kastaba ha ahaatee, waalidiinta dhalay wiilka dhintay ayaa dowladda Soomaaliya ka dalbanaya in cadaaladda la horkeeno.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed