Booliiska Soomaaliya oo war cusub ka soo saaray qarax khasaaro dhaliyay oo ka dhacay magaalada Muqdisho

Taliska Booliska Soomaaliyeed ayaa faah faahin ka bixiyay qarax  ka dhacay degmada Heliwaa ee magaalada Muqdisho, kaasi oo ay ku dhinteen 5 qof oo shacab ah, 10 kalena ay ku dhaawacmeen.

Qaraxa ayaa lagu aasay Isgoyska SOS ee degmada Heliwaa, waxaana dadka qaraxa uu saameeyay ay wateen Gaari Mini Bus ah iyo Mooto Bajaaj. Ciidamada ammaanka oo goobta ku sugnaa ayaa gurmad u fidiyay dadka ay waxyeeladu soo gaartay, waxaana ay wadaan baaritaano ku aadan sida ay wax u dhaceen.

Ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerarka; si kastaba ha ahaatee, Booliska ayaa arrintan ku macneeyay inay ka dambeeyaan maleeshiyada Al-Shabaab.

Horaantii bishan ayay ahayd markii ugu yaraan 8 qof ay ku dhinteen 19 kalena ay ku dhaawacmeen qaraxyo is xigxigay oo ka dhacay suuqa weyn ee Bakaaraha ee magaalada Muqdisho. Ganacsatada Suuqaasi ayaa waxa ay sheegeen in Qaraxyadaasi lala eegtay Dukaamo lagu iibiyo Elektrooniga.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed