Booliiska Soomaaliya oo Kor u qaadaya Tallaabooyinka Amniga ka hor Bisha Ramadaan isla markaana bixiyay faah faahino xasaasi ah

Inta lagu guda jiro bisha barakeysan ee Ramadaan  ee soo aaddan, Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Qaasim Axmed Rooble, ayaa faah faahin ka bixiyay diyaar garow ballaaran oo dhanka ammaanka ah, si loo xaqiijiyo xasiloonida Magaalada Muqdisho iyo deegaanada ku dhow dhow.

Rooble ayaa ku nuux nuuxsaday in ciidamada ay u diyaar garoobeen adkeynta amniga magaalada Muqdisho, isagoo tilmaamay inay muhiim tahay in nabada la ilaaliyo inta lagu guda jiro bisha Ramadaan oo bilaabaneysa todobaadka soo socda.

Howlgalladii ugu dambeeyay ee ciidamada ammaanka ay ka sameeyeen duleedka degmada Deniile ee magaalada Muqdisho ayaa lagu bartilmaameedsaday shaqsiyaad lala xiriirinayo Al-Shabaab, waxaana howlgalka lagu soo qab qabtay dad badan oo lagu tuhmayo. Afhayeenka ayaa ku nuux nuuxsaday muhiimadda ay leedahay wada shaqeyn dhexmarta Hay’adaha ammaanka Dowladda Federaalka iyo shacabka Muqdisho si loo horumariyo guud ahaan amniga.

Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya oo isugu jira Boolis, Nabad Sugid, iyo Cutubyo u tababaran sida Milateriga ayaa howlgallo ballaaran waxa ay ka wadaan Xaafadaha iyo Wadooyinka Magaalada Muqdisho. Hawlgalladan ayaa ku lug leh baaritaannada baabuurta iyo kuwa gaarka ah si loo xaqiijiyo badbaadada dadka deegaanka loogana hortago khataraha ammaanka.

 

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed