Booliiska Soomaaliya oo Ka Warbixiyay Khasaarihii Weerarkii Xeebta Liido.

Ciidanka Booliiska Soomaaliya ayaa war-saxaafadeed kasoo saaray weerarkii xalay  Al-shabaab ku qaadeen hoteel ku yaala xeebta Liido ee magaaalada Muqdisho, halkaas taniyo 2:00 habeenimo uu ka socday dagaal xooggan oo u dhexeeyay Ciidanka dowladda Soomaaliya iyo kooxdii weerarka soo qaaday.

Ciidanka ayaa faah faahin ka bixiyay khasaarihii ka dhashay weerarkaas  lagu qaaday Hoteelka Pearl Beach oo ay ku sugnaayeen dad shacab ah xilligaasi.

Taliska Ciidanka Booliiska Soomaaliya   ayaa sheegey  in Weerarkaas  ay ku dhinteen 6 ruux oo  shacab ah,  halka ay ku dhaawacmeen 10, dhanka kale waxaa ku dhintay 3 askari oo ka mid ahay  Ciidankii Ammaanka ee  waday badbaadinta dadkii ku sugnaa goobta.

Sidoo kale waxaa burbur xooggan uu soo gaaray hotelkii la weeraray, waxan jiraan wili dad laga cabsi qabo in ya ku jiraan dhismaha dumay hoostiisa,  iyada goobta ay wili joogaan Ehello raadinaya dad ka maqan.

HBN NEWS DESK.

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed