Baralamaanka Soomaaliya Labadiisa Aqal oo maanta markale ka dooday arrimaha wax ka beddelka dastuuurka soona bandhigay warbixino cusub

Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe, Cali Shacbaan Ibraahim iyo oo ay weheliyaan ku xigeennada Labada Aqal ayaa shirguddoomiyay kulanka 17-aad ee wadajirka ah ee labada aqal ee Baarlamaanka, kaasoo loooga hadlau arrimo khuseya wax ka beddelka dastuurka.

Ajandaha Kulanka maanta ayaa ahaa ka doodista soo jeedinnada wax ka bedelka Dastuurka KMG ah, Cutubka 2-aad Xuquuqda asaasiga ah iyo waajibaadka Muwaadinka, sida lagu sheegay bayaanka ka soo baxay kulanka.

Ugu horrayn, Guddoonka Guddiyada u xilsaaran dib u eegista Dastuurka ayaa Xildhibaannada iyo Senatorrada Labada Aqal la wadaagay warbixin soo koobaysa sagaalkii qodob ee cutubka koowaad ee Dastuurka KMG ah ee ka doodistoodu ay soo gaba gabowday, isla markaana soo bandhigay warbixin uruursan oo soo koobaysa nuxurka aragtiyadii Sanatarradii iyo Xildhibaanadii fikirkoda dhibtay.

 

Intaas ka dib Xildhibaannada iyo Senatorrada labada Aqal ayaa aragtidooda ka dhiibtay cutubka labaad ee dib eegista Dastuurka oo ay ugu horreeyaan arrimaha diinta, Xuquuqda aasaasiga ee muwaadinka Soomaaliyeed sida xorriyad hadalka iyo Sinnaanta oo ay si daah furan uga aragti dhiibteen.

Dhinaca kale, Xildhibaannada iyo senatorradu ee waxay go’aan Baarlamaan oo wadajir ah ku meel mariyay in Xildhibaan Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan lagu taageero murashaxnimadeeda tartanka Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika (African Union Commission) loogana jaro  mushaaraadkooda Xildhibaan kasta shan bqol oo dolar.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed