Barakacayaasha Laascaanood oo Laga Soo warrinaayo Xaalada Nololeed iyo Wararkii ugu Dambeyay.

Wararka aan ka helayno magaalada Laascaanod ee gobolka Sool ayaa sheegaya in xiisad dagaal ay ka jirto, xilli ay is hor fadhiyaan Ciidanka Soomaaliland iyo kuwa deegaanka, marar qaar dhawaqa rasaasta ayaa laga maqlayaa magaalada.

Dhankale kale dadkii ka barakacay magaalada ayaa lagu soo warramayaa in la sii daristay xaalad nololeed, kuwaas oo intooda badan u cararay Tooliyinka, deeganaada iyo baadiyaha gobolka, waxana sameeyn tabban ku yeeshay roobab ka da’ay guud ahaan gobolka Sool iyo Puntland halkaas oo ay ku sugan yihiin Barakacayaasha.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmed Karaash ayaa ugu baaqay dadka Soomaaliyeed in ay u gurmadaan Dadka reer Laascaanood ee ka soo cararay guryahoodii, xilli uu xusay in ay dhibaatada la qeybsanayaan dadka dhibaateysan.

Ugu dambeyn Roobabka ka Da’ay gobolka ayaa Sameeyn ku yeelan kara sidoo kale dagaalka Laascaanood, waxana laga yaabaa in Ciidanka ku sugan dhulka Buuraleyda ah in ay ku adkaato in ay helaan Sahay, waana goobaha ay ka dhaceen dagaalada ugu culsaa ee ka dhacay Malagaalada.

HBN News Desk 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed