Barakac cusub oo ka bilaawday magaalada Baledweyne iyada oo ay sii kordhayaan fatahaadaha wabiga Shabeelle

Wabiga Shabeelle ayaa mar kale barakac xooggan ka sameeyay magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, iyadoo fatahaaduhu ay weli sii socdaan. Qoysas fara badan ayaa ku qasbanaaday in ay ka barakacaan guryahooda oo ku yaala xaafadaha Buundaweyne iyo Howlwadaag, kadib markii ay sare u kaceen heerka biyaha  jiinka webiga.

Xalay iyo Saaka ayaa Wabiga  ku fatahay Xaafado dhowr ah ee wabigu uu maro, waxaana taasi ay uga sii dartay xaalada dadka. In kasta oo ay jiraan dadaallo hore oo lagu maareynayay khatarta fatahaadda, heerka sare ee biyaha ee lama filaanka ah ayaa horseeday barakac ballaaran. Dad badan oo ku noolaa xaafadahaas oo ay ka muuqatay soo kabasho ayaa hadda wajahaya dhibaato hor leh.

Fatahaada wabiga shabeelle ayaa xiisad deg deg ah ka abuuray magaalada Baledweyne, iyadoo cabsida laga qabo ay sii kordheyso iyo saameynta  fatahaadaha iyo barakaca.

Lix bilood oo kaliya ayaa laga joogaa markii magaalada ay soo martay fatahaadii ugu darnaa ee soo marta dhamaadka sanadka 2023, fatahaadaha soo noq-noqday ayaa ku soo aaday xilli dadka reer Baledweyne ay weli la tacaalayaan sidii ay uga soo kaban lahaayeen masiibadii hore.

Maamulka deegaanka iyo ururada samafalka ayaa wada abaabul si ay gargaar deg deg ah u gaarsiiyaan qoysaska cusub ee soo barakacay. Si kastaba ha ahaatee, baaxadda daadadka iyo baahiyaha degdegga ah ee dadka ay dhibaatadu saameysey ayaa ah caqabado waaweyn.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed