Bannaanbax looga soo horjeeda abaabulka dagaal ee Somaliland oo ka dhacay Laascaanood iyo hoggaamiyaha SSC oo ku dhawaaqay in heegan la galiyo ciidamada

Bannaanbax xooggan oo looga soo horjeedo abaabula dagaal oo la sheegay in ay soo wado Somaliland ayaa maanta ka dhacay magaalada Laascoonood ee xarubnta gobolka Sool, halkaas oo kumanaan ruux ay iskugu yimaadeen, kuwaas oo ku dhawaaqayay erayo ka dhan ah xukumaadda Somaliland oo lagu eedeeyay  in ay wado qorshe dagaal oo ay ku dooneyso in ay ku qabsato deegaannadii horay looga saaray sanadkii hore.

Hoggaamiyaha SSC Khaatumo Cabdiqaadir Aw Cali Firdhiye, ayaa shacabka reer Laascaanood ugu baaqay in ay iska difaacaan dagaal uu sheegay in ay Somaliland qorshaynayso, sida uu hadalka u dhigay, xilli dadweyne badan  bannaanbax dhigayay uu kula hadlay garoonka kubada ee Cabdi Bille Cabdi, ayaa ku dhawaaaqay  in ay Somaliland qorshaynayso duulaan ay kusoo qaado degaanada SSC- Khaatumo.

Sidoo kale Hogaamiyaha ayaa sheegay in maamulkiisa ay ka heleen warar muujinaya in ciidamada Itoobiya la geynayo deegaanada SSC si ay u taageeraan ciidamada Somaliland. Firdhiye waxa uu ciidamadiisa faray inay heegan buuxa galiyaan una diyaar garoobaan duulaan kasta oo kaga yimaada Somaliland.

Qaar kamid ah madaxda dhaqanka SSC Khaatumo ayaa dhawaan sheegay in ay heleen xog sheegaysa in ay Somaliland ku duulayso degaanada SSC- Khaatumo, inkasta oo anay Somaliland ka hadal sheegada ka timid maamulka SSC khaatumo, oo sanadkii hore uu dhexmaray dagaal ba’an, oo dhaliyay khasaaro xooggan.

Si kastaba,  warkaan ayaa ku soo aadaya iyada oo Wasiirka Gaashaandhigga Somaliland  Rooble Muuse Cabdi,Isniintii  xafiiskiisa Hargeysa ku qaabilay saraakiil sar sare oo  dhinaca milateriga ah iyo saraakiil kale oo ka tirsan ciidamada Itoobiya. Mas’uuliyiinta ayaa ka wada hadlay dhinacyo kala duwan oo ku saabsan iskaashiga dhanka amniga iyo sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dhinac.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed