Bannaanbax ka dhan ah hishiiskii Somaliland iyo Itoobiya oo ka soconaya magaalada Burco

Bannaanbaxo looga soo horjeedo hishiiskii ay dalka Itoobiya ay ku wada saxiixdeen madaxweyne Muuxse Biixi iyo Ra’iisal wasaaraha dalkaas Abiy Axmed ayaa maantaka dhacay magalada Burco ee gobolka Togdheer, dadka isku soo baxay ayaa ku dhawaaqayay erayoka dhan ah hishiiskaas, isla markaana sheegay in aysan aqbaleyn in Itoobiya laga kireeyo Badda Cas, hal ku dhigga ayaa ahay ‘Dooni Meyno Hishiiska Itoobiya’.

Bannaanbaxayaasha ayaa ka dhawaajiyay in damaca Itoobiya uu yahay mid dhibaato ku ah Somaliland, loona baahan yahay in laga laabto hishiiskii ka dhacay caasimadda Adis Ababa, dadka ayaa iskugu yimid bartmaha magaalada Burco, ayaa muuqaalada laga baahiyay waxay muujinayaan heerk uu gaarsiisan yahay diidmada ka dhanka ah hishiiskaasi.

shacabka ku nolool deegaannada Somaliland ayaa ku kala aragti duwan hishiiskii is-af-garadka ahay, qaar kamid ah ayaa diidan, halka kuwa kalana  ay taageersan yihiin.

Si kastaba, hishiiskii Abiy Axmed iyo Muusa Biixi ayaa la kulmay diidmo caalami ah, mid gobolka iyo gudaha Soomaaliya, iyad oo maalin ka hor bannaanbxyo xooggan ay ka dhaceen magaalada Muqdisho iyo qeybo kamid ah gobolada dalka.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed