Bannaan-bax ballaaran oo ka socda magaalada Muqdisho ee caasimaadda Soomaaliya

Dibad bax ballaaran ayaa hadda ka socda garoonka kubadda cagta ee Injeer Yariisoow ee magaalada Muqdisho, halkaasoo ay isugu soo baxeen dadweyne aad u fara badan oo muujinaya taageerada ay u hayaan heshiiska difaaca iyo dhaqaalaha ee dowladda Soomaaliya iyo Turkiga ay dhawaan kala saxiixdeen.

Banaanbaxa oo ay soo qaban qaabisay dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan dowladda, kuwaasi oo la filayo in ay khudbado ka jeediyaan inta ay socoto munaasabadda. Qaban qaabada Banaanbaxa ayaa si weyn looga dareemayaa Garoonka Kubadda Cagta Injineer Yariisow ee Degmada C/casiis, iyadoo dadweyne fara badan ay ku soo qul qulayaan goobta uu Banaanbaxa ka dhacayay oo maraayay wadooyinka waaweyn.

Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa si weyn loo adkeeyay, iyadoo la xiray waddooyin dhowr ah oo muhiim ah, si loo sugo ammaanka iyo habsami u socodka Banaanbaxa.

Heshiiska Soomaaliya iyo Turkiga oo ay si wadajir ah u ansixiyeen Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya, Golaha Wasiirada, uuna u saxiixay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa waxaa si weyn u taageeray shacabka Soomaaliyeed. Waxay ujeedadeedu tahay xoojinta iskaashiga difaaca iyo horumarinta xiriirka dhaqaale ee labada dal, taasoo calaamad u ah tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo xiriirka labada dal.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed