Dood dheer oo muddo todobaadyo ah qaadatay kadib ayaa labada Aqal ee Baarlamaanka waxa ay ku guuleysteen in ay soo gaba gabeeyaan doodda qeybta afaraad ee wax ka badalka Dastuurka. Mudadii ay socotay dooda ayaa waxaa si weyn uga qeyb galay Xildhibaanada iyo Senetarada iyagoo soo jeediyay talooyin dhinacyo badan taabanaya, kuwaasi oo lagu soo bandhigay masraxa doodda isla markaana ay ka qeyb qaateen dhinacyo xasaas ah.
Guddoomiyaha guddiga Burhaan Aadan Cumar ayaa si casri ah u soo bandhigay dhammaan qodobbada iyo talooyinka. Falanqayntan oo mug iyo miisaan leh ayaa u ogolaatay Xildhibaanada iyo Senetarada inay horumariyaan faham cad oo ku saabsan dooda iyo soo jeedinta la keenay intii dooddu socotay.
Sidoo kale, guddoomiyaha ayaa doodda soo koobay, isagoo si gaar ah diiradda u saaray cutubka afraad ee dastuurka.
Guddiga dib u eegista dastuurka waxay ku dari doontaa nuqulka ugu dambeeya ee soo jeedinta doodaha iyo wadatashiyada baarlamaanka, Waxaana la horgeyn doonaa markale baarlamaanka.
Arrintaan ayaa imaaneysa iyada oo magaalada Garowe ay ka soconayaa kulamo xasaasi ah oo looga soo horjeedo arrimahaan la xiriiro dastuurka.
HBN NEWS DESK