Baarlamaanka Soomaaliya oo Meel Mariyay Guddiga Dib-u-Eegista Dastuurka.

Muqdisho (Hbn tv) GuddoomiyahaGolaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheikh Adan Mohamed Nur Madobe ayaa shir guddoomiyay kalfadhiga labaad kullamadiisa 28-aad iyo 29-aad ayay xildhibaannadu waxay soo jeediyeen mooshin ah in ajandaha lagu daro u codeynta Guddiga Madaxa Banaan ee Dib u Eegista Dastuurka Federaalka Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Dastuurka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa Xildhibaannada Golaha Shacabka u soo jeediyay in ay codkooda kalsoonida ah siiyaan si uu Guddiga Dib u Eegista Dastuurka uu u bilaabo shaqo howleedkooda loo igmaday, isagoo xildhibaannada warbixin ka siiyay guddigu sida uu u shaqeeyo aqoontooda xubnaha loo soo xulay, waxaana mudaneyaasha codkooda ku ogolaadeen 143 xildhibaan wax diiday iyo wax ka aamusay ma jiraan.

Ansixinta kadib, Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS Mudane Xasan Macalin Maxamuud ayaa wuxuu u mahadceliyay Xildhibannada Golaha Shacabka sida aqlabiyada leh ay u ansixiyeen xubnaha Gudiga Madax Banaan ee Dib u Eegista iyo Hirgalinta Dastuurka.

Xubnaha la ansixiyay ayaa kala ah:

1. Mudane Mohammed Hassan Idriss
2. Mudane Ahmed Mohamuud Jama
3. Mudane Mohamed Abdalla Salah
4. Mudane Farhia Mumin Ali
5. Mudane Burhan Adan Omar.

Xildhibaannadda Golaha Shacabka ayaa ka doodaday isla-markaana ka warbixiyay akhrinta 2-aad, akhrinta 3-aad iyo u codeynta Hindise Sharciyeedka Horumarinta iyo Maareynta Kalluumeeysiga Soomaaliyeed.

Mudaneyaasha oo si qota-dheer u lafa guray kheyraadka ku jira badda, akhrinta ka dib waxaa codkooda kalsoonida ah siiyay 142 xildhibaan, hal xildhibaan ayaa Ka aamusay, wax diiday ma lahan.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa ku dhawaaqay inuu Sharciga Kheyraadka Horumarinta iyo Maareynta Kalluumeeysiga Soomaaliya ansax yahay.

Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Bulluuga ee XFS Axmed Xasan Aadan ayaa xildhibaannadda Golaha Shacabka uga mahadceliyay sida aqlabiyada leh ay u ansixiyeen sharcigan muhiimka u ah dalka inuu wax badan ka tari doono ka faaideysiga kheyraadka badda.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo soo xiray kulanka maanta ayuu xildhibaannada Golaha Shacabka uga mahadceliyay in shuruuc badan la ansixiyay kuwaas oo wax badan ka anfacaya dalka iyo shacabka Soomaaliyeed.

 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed