Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta yeelanay kulan aanan caadi aheyn kaasoo isha lagu hayo

Maanta waxa ay ku beegan tahay marxalad muhiim ah oo laga gaaray is bedelka dastuuriga ah ee Soomaaliya, iyadoo baarlamaanka 11-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya uu isku diyaarinayo cod u qaadista hindise sharciyeedka wax ka bedelka dastuurka KMG ah ee dalka. Kadib doodo badan oo ay yeesheen Xildhibaanada Baarlamaanka Golaha Shacabka iyo Senatarada kulamadii ugu dambeeyay ayaa waxaa meel xasaasi ah gaaray hanaanka wax ka bedelka dastuurka.

Diirada koowaad waxay noqon doontaa cutubyada 1, 2, 3, iyo 4 ee dastuurka oo ay soo diyaariyeen oo ay dib u eegis ku sameeyeen guddiyada baarlamaanka iyo guddiga madaxa banaan ee dib u eegista.

Hase ahaatee wax ka bedelka ayaa waxaa ka horyimid shaqsiyaad miisaan ku leh siyaasada oo ay ka mid yihiin madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Shariif Sheekh Axmed iyo sidoo kale maamulka Puntland. Mucaaradku waxa ay hoosta ka xariiqeen qaabka is-beddelka ah ee la doonayo in lagu muransan yahay, waxayna ka tarjumaysaa aragtiyaha kala duwan ee siyaasadda Soomaaliya.

Wadooyinka muhiimka ah ee magaalada Muqdisho ayaa maanta oo Sabti ah loo xiray isu socodka dadka iyo gaadiidka, ka hor inta aan codka kalsoonida loo qaadin baarlamaanka wax ka bedelka dastuurka KMG ah ee dalka.

Lasoco wixii kusoo kordha sheekadan.

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed