Baarlamaanka Puntland oo Sheegay in Dagaalkii Garowe Laga Soo Abbaabulay Villa Soomaaliya.

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Cabdirashiid Yuusuf Jabriip  ayaa sheegay in dagaalkii ka dhacay magaalada  Garowe ay soo abbaabuleen Xildhibaanno iyo Senataro ka tirsan dowladda Soomaaliya, kuwaas oo ku eedeeyay in ay ka dambeyeen dhacdadaasi.

Waxaa uu ka dhawaajiyay in laga soo abbaabulay Villa Soomaaliya, asiga oo ku nuux-nuuxsaday in ay haayaan caddeynta falkaasi lagu soo weeraray golaha wakiilada Puntland.

Waxaa uu hoosta ka xariiqay in uu hoggaaminaayay Xillibannadaas iyo Senatora-daas guddoomiye ku xigeenka labaad ee Aqalka sare Cabdullaahi Xirsi Timacade.  kuwaas oo sidoo kale ka shaqeynaya in la qabsado Gobolka Sool oo ay ku dagaalamayaan Ciidanka deegaanka iyo kuwa Somaliland, iyo burburinta Puntland.

Guddoomiye ku xigeenka labaad aqalka sare, Cabdullaahi Xirsi Timacadde oo kamid ah Senatorada yaa si adag u cambaareeyay guddoonka baarlamaanka Puntland , isagoo sheegay inay ku qaldanaayeen inay soo hormarinayaan qodobobka furista dastuurka oo uu sheegay inay dartiis ciidamo isku horfadhiyeen, colaaduna ay ka kacday maalintii dagaalka ee Garowe.

Dhowr jeer oo hore dhacdooyin dagaal oo ka dhacday  Puntland ayey ku eedeyeen in laga soo abbaabulay Villa Soomaaliya.

HBN NEWS DESK.

 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed