ATMIS oo Sameeyay Howlgallo ay kaga Hor-tageen Weeraro Al-shabaab

War kala duwan ayaa ka soo baxaya  gobolka Shabeelada Hoose, halkaas oo Cimada ATMIS ee Soomaaliya ay ka fuliyeen howgallo qorsheysan oo oo ka dhan ah Al-shabaab.

 Howgalkan ayaa ka dhacay deegaanka Baladul-Amiin iyo deegaanno kale oo ka tirsan gobolka Shabeelada Hoose, Ciidamada ATMIS ayaa cagta mariyay fariisimo Al-shabaab ku lahaayeen gobolkaas.

Dagaal culus ayaa dhexmaray labada dhinac, waxana ka dhashay khasaaro kala duwan oo dhimasho iyo dhaawac ah, balse lama xaqiijiin tirada rasmiga ah ee soo gaaray labada dhinac.

Warbixinnada ka imanaya deegaannada lagu dagaalamay ayaa sheegay in Al-shabaab laga saaray gacanta ku heynta deegaanka, waxana halkaas ku sugan ciimada ATMIS.

Afhayeen u hadlay ATMIS ayaa sheegay in ay ka hortageen qorshe Al-shabaab ay la damacsanaayeen weeraro xooggan oo gobolka ah, jab weyna gaarsiiyeen, waxaa uu intaas raaciyay in Ciidamadooda ay gacanta ku hayaan deegaankii lagu dagaalamay.

Dhinaca kale, ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay kooxda Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaaas  oo ay guulaha ka sheegteen ciidamada Midowga Afrika ee ATMIS.

HBN NEWS DESK

 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed