ATMIS iyo Al shabaab oo dagaal culus ku dhexmaray gobolka Shabeelada Hoose isla markaan guulo ka kala sheegtay

Wararka ka imaanaya Shabeelada Hoose ayaa ku warramaya in maanta gobolkaas uu ka dhacay dagaal culus oo u dhexmaray ciidamada ATMIS iyo kooxda Al shabaab, kaddib markii sida la sheegay xubno ka tirsan kooxda ay weerar gaadmo ah ku qaadeen deegaanka Janaale oo ay ku sugnaayeen ciidamada Nabad Ilaalinta ee ATMIS.

Kaddib halkaas waxaa ka dhacay iska horimaad xooggan oo dhexmaray labada dhinac, isla markaana la isku adeegsaday hubka nuuyadiisa kala duwan, kaasoo dhaliyay khasaaro soo gaaray labada garab ee dagaallamay.

ATMIS iyo Al shabaab ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay dagaalka, kuwaas oo kala sheegtay guulo in ay kala gaareen, balse si madax bannaan looma xaqiijin karo sheegashadooda.

Taliska ATMIS oo si kooban uga hadlay dagaalka Janaale ayaa shaaca ka qaaday inay iska difaaceen weerarka Al-Shabaab, ayna jabiyeen xubnaha Al-Shabaab ee kusoo duulay. Sidoo kale ATMIS ayaa intaasi raacisay inay khasaare kala duwan oo leh dhimasho iyo dhaawac ay gaarsiisay kooxda Al-Shabaab, sida ay hadalka u dhigtay.

Dhanka kale Al-Shabaab ayaa sheegtay in weerarkan ay ku gubtay gaadiid, sidoo kalena ay khasaare ku gaarsiiysay ciidamada ATMIS, gaar ahaan kuwa Uganda, sida ay sheegatay.

ATMIS iyo Al shabaab sooma aysan bandhigin caddeymo muujinaya guulaha ay ka sheegteen dagaalka culus ee ku dhexmaray deegaanka Janaale ee gobolka Shabeelada Hoose.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed