Askar iyo Shacab Kenyaati ah oo Lagu Dilay Xadka Soomaaliyo iyo Dalkaasi

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya Ciidaan Kenyaan ah iyo dad shacaba  oo lagu dilay xadka Soomaaliya iyo kenya ay wadaagaan, kadib markii A-shabaab ay qaraxyo la beegsadeen gawaari ay wateen Ciidanka xaduudka ee dalkaasi, iyada oo weerarkaasi ay ku dhinteen dad shacab ah halka kuwa kalan ay ku dhaawacmeen.

In ka badan 10 ruux ayaa la xaqiijiyay iin ay ku dhinteen oo lix kamid ah ay yihiin ciidanka ammaanka dalka Kenya, waxana ku dhaawacmay in ka badan tirada dhimashada sida uu warbaahinta dalkaasi u sheegay guddoomiyaha gobolka Waqooyi Bari John Otieno balse faah faahin dheer ah kama uusan bixin dhacdadaasi, marka laga reebo in falkaasi ay ka dambeyeen kooxda Al-shabaab.

Weeraradaasi ayaa ka kala dhacay Lamu iyo Gaarisa, waxana lala beegsaday Gaari ay saarnaayeen mid kamid ah dad shacab ah, halka midka kalana ay wateen Ciidanka ammaanka dalka Kenya, iyada oo gaariga ay safarkaa ah ee shacabka laga badbaadiyay in khasaaro xooggan uu kala kulmo kooxda weerarka soo qaaday.

 

Hey’addaha ammaanka dalkaasi Kenya ayaa Al-shabaab ku eedeyay in ay weeradaasi ka dambeyeen, arrintaan ayaa imaaneysa iyada oo dhawaan Soomaaliya iyo Kenya ay hishiis ku gaareen in la furo xadka labada dal kaas oo xirnaa taniyo 2011.

A-shabaab ayaa dhowr jeer qaraxyo iyo weeraro kal fuliyay xadka labada dal oo ay ku dileen Askar iyo dad shacab ah.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed