Laba Senator oo ka tirsan Aqalka Senate-ka ee dalka Maraykanka ayaa soo bandhigay mooshin ku aadan in cunaqabateyn lagu soo rogo Turkiga, kadib markii ay sii kulallaadeen dagaallada ka socda waqooyiga Suuriya tan iyo markii xilka laga tuuray Bashar al-Assad, kuwaas oo u dhaxeeya ciidamada qaranka ee uu taageerto Turkiga iyo xoogagga Dimuqraadiga Suuriya ee ay taageeraan Maraykanku.
Senator Chris Van Hollen oo ka socda xisbiga Dimuqraadiga iyo Lindsey Graham oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga ayaa soo bandhigay qaanuun isku-dhafan oo lagu magacaabo “Xeerka Ka Hortagga Weerarka Turkiga 2024,” iyagoo rajeynaya in hanjabaadda cunaqabateynta ay ku qasbi doonto dhinacyada inay gaaraan xabbad-joojin.
Hase yeeshee, waxay sheegeen in Washington ay tahay inay la shaqeyso Turkiga si diblomaasiyad ah si ay u fududeyso xabbad-joojin waarta iyo in la sameeyo aag hubka ka caaggan oo u dhexeeya Turkiga iyo Suuriya.
“Cunaqabateyntani waxay ujeedadoodu tahay in laga hortago weerarro dheeraad ah oo Turkiga ama kuwa uu taageero ay ku qaadaan ciidamada SDF, kuwaas oo keeni kara dib u soo noolaanshaha sida hadalka loo dhigay kooxda ISIS oo sidoo kale loo yaqaan Daacish, kuwaasi oo ay ku tilmaameen inay khatar ku yihin amniga qaranka ee Maraykanka iyo adduunka intiisa kale,” ayay ku sheegeen war-saxaafadeed ay soo saareen.
Dagaallada ka socda waqooyiga Suuriya ayaa sii xoogaystay tan iyo markii xilka laga tuuray madaxweynihii hore ee Suuriya Bashar al-Assad wax ka yar laba toddobaad ka hor.
Mareykanku wuxuu dhex-dhexaadiyay xabbad-joojin jilicsan oo ka dhacday deegaankaas oo u dhaxeeya Turkiga iyo kooxaha Suuriya ee ay taageerto iyo xoogagga Kurdish-ka Suuriya ee uu taageero Mareykanku.
Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibedda Mareykanka ee Arrimaha Bariga Dhexe, Barbara Leaf, ayaa shalay, kadib booqashadeedii Suuriya ay ku tagtay, sheegtay in Washington ay dadaal ugu jirto sidii loo gaari lahaa xabbad-joojin ka dhacda magaalada Ain al-Arab.
Leaf waxay sheegtay in xaaladaha ku qasbay Kurdish-ka waqooyi bari Suuriya inay isdifaacaan ay si weyn isu beddeleen, ayna tahay in isbeddel nidaamsan oo ku yimaada doorka kooxda loo yaqaan Xoogagga Dimuqraadiga Suuriya (SDF) uu yahay waddada ugu wanaagsan ee loo marayo mustaqbalka.
HBN Online TV