Ammaanka magaalada Muqdisho oo aad loo adkeey amaro iyo digniino culus oo la soo saaray

Ammaanka magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ayaa si weyn loo adkeeyay iyo dhowr goobood oo kale munaasabada Ciidul Fidriga, iyadoo maamulka uu dhowr jeer sameeyay taxadar ku aaddan sidii si nabad ah loogu dabaaldegi lahaa.

Taliska Booliska Soomaaliyeed ayaa sheegay in Ciidamo dheeraad ah la geeyay goobaha ay ka dhici doonto Munaasabadda Ciidul Fidriga oo ku beegan maalinta berri oo Arbaco ah oo ay taariikhdu ku beegan tahay 10-ka April 2024.

Wadooyinka magaalada Muqdisho oo maalmihii la soo dhaafay laga dareemayay dhaq dhaqaaq xooggan ayaa maalmihii ugu dambeeyay ahaa mid mashquul badan, iyadoo maalinta berri oo Arbaco ah ay dadku si weyn u dabaal degi-doonaan.

Booliska ayaa digniin culus u diray darawallada qaada rakaab badan, isla markaana shilalka ka geysta waddooyinka. Ciidanka ayaa tilmaamay in dadka lugeynaya iyo kuwa gaadiidka wata la keeno si gaar ah xilliyada dabaaldegyada noocaan oo kale ah oo ay dad badan ku sugan yihiin.

Booliska ayaa sidoo kale uga digay waalidiinta inay xaqiijiyaan ammaanka caruurtooda, isla markaana ay si dhow ula shaqeeyaan laamaha ammaanka, haddii uu ilmuhu waayo, si tallaabo deg deg ah looga qaado.

Ciidamada ammaanka dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa kordhiyay howlgallada ay ka sameynayaan waddooyinka magaalada Muqdisho iyo xaafadaha ku dhow dhow, waxaana la dhigay Koontaroolo lagu baaro gaadiidka iyo dadka la socda.

Shacabka Soomaaliyeed ayaa ku bogaadiyay ciidamada dowladda federaalka sida ay u ilaaliyaan amnigooda inta lagu guda jiro bisha barakeysan ee Ramadaan, iyagoo rajo ka muujiyay in dalka uu ka nabad galo qataraha amni darro.

Booliska ayaa sidoo kale uga digay waalidiinta inay xaqiijiyaan ammaanka caruurtooda, isla markaana ay si dhow ula shaqeeyaan laamaha ammaanka, haddii uu ilmuhu waayo, si tallaabo deg deg ah looga qaado.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed