Ami daro ku soo kordhaysa magaalada Muqdisho

Xaalada amni ee magaalada Muqdisho, caasimada Soomaaliya ayaa ka daraysa maalmihii la soo dhaafay, taasi oo walaac xooggan ku abuurtay dadweynaha & ganacsada.

Falalka dilka ay gaysanayaan kooxo hubaysan oo la aamisan yahay inay Al Shabaab yihiin, toogasho ciidamada dawladu u gaysanayaan shacabka iyo isku dhacyada ciidamada ayaa walwal ku abuuray dadka, arrimahaasi oo xoogaystay muddoyinkii u dambeeyay.

Dhacdadii ugu dambaysay ee ciidamada dawladu ku dilaan shacabka ayaa maanta ka dhacday agaggaaraha Zope ka dib markii askar watay gaari ay dileen nin shacab ah oo lagu magacaabi jiray Mahdi Aadan Diiriye oo saarnaa mooto bajaaj.

Dad goobjoogayaal ah ayaa u sheegay HBN in askartu ay rasaas ku fureen mootada uu saarnaa marxuumka oo hareer maraysay gaarigooda, waxaana goobtii iskaga dhaqaaqay oo aan xittaa istaagin askartii iyo gaarigii ay wateen.

Dadweyne ka caraysan dilka oo isugu soo baxay goobta ayaa dalbaday in la soo qabto oo caddaalada la horkeeno askarta falkaasi ka dambaysay.

Dilalka wadayaasha mootooyinka ayaa Muqdisho ka noqday tusbax afka go’ay, arrinkaasi oo u muuqda mid halis ku ah dhalinyarada ku shaqeysta gaadiidkaas.

Iska horimaadka ciidamada oo kordhay

Dhinaca kale isku dhac ciidamo ka wada tirsan dawlada ku dhexmaray isgoyska Siinaay ayaa waxaa ku geeriyooday shan qof oo rayid ah, waxaa kale oo ku gubtay illaa saddex gaari oo ay lahaayeen dad rayid, gawaaridaasi oo illaa saaka yiil goobtii dagaalku ka dhacay.

Afartii toddobaad ee ugu dambeeyay in ka badan saddex mar ayaa iska horimaad meelo kala duwan oo Muqdisho ka tirsan wuxuu ku dhexmaray ciidamada dawlada, waxaana dhimasho iyo dhaawac uu ka soo gaaray dad rayid ah iyo dhinacyadii dagaalamayay.

Dawlada ayaa sheegtay inay la qabtay askartii ku lugta lahayd iska horimaadkii ciidamada ku dhexmaray Isgoyska Siinaay.

Sidoo kale maalinimadii shalay ugu yaraan afar qof ayaa siyaabo kala duwan kooxo hubaysan ugu dileen magaalada Muqdisho. Laba dhalinyaro ah ayaa lag dilay agagaaraha Isgoyska Fagax, waxaana dilkooda sheegtay Al Shabaab waxayna ku eedeeyeen inay ku hawlanaayeen daroogo, ma jirto cid xaqiijin karta sheegashada Al Shabaab ee arrinkaasi ku aadan.

Keyse Caamir
HBN News Desk

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed