Amar cusub oo la xiriira garoonka diyaaradaha Muqdisho oo la soo saaray

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa ka mamnuucay dhismooyinka dhaadheer ee laga dhisaayo agagaarka garoonka diyaaradda Aadan Cade ee magaalada Muqdisho, si gaar ah degmooyinka ku hareereysan ee kala ah Xamar weyne, Xamar jajab, Waaberi, Wadajir iyo Dharkeynleey qeybteeda Jasiira .

Gobolka Banaadir ayaa sheegay in laga billaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 11 09 2024, aan laga dhisi karin dhismooyiin dhaadheer gudaha garoonka Aadan Cade iy Xalane hareerahooda, halka aan laga dhisi Karin baraha kontrollada laga soo galo garuunka Aadan Cade guri ka dheer Seddex dabaq.

“Laga billaabo maanta in aan laga dhisi karin xeendaabka garoonka Aadan Cade iyo Xerada xalane guri aan dhismahiisu ka dheereen hal dabaq.” ayuu yiri, afhayeenka maamulka Gobalka Banaadir.

Maamulka ayaa arintaan ku sheegtay in tani tahay mid la xariirta Ammaanka garoonka diyaaaraha Aadan Cadde. Gobalka Banaadir ayaa intaas ku daray in ciddii ku xadgudubta laga qaadi doono tallaabo sharci ah.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed